Search
  • SCSC

Barnaamijyo cusub oo dowladda Alberta ee soo saartay

Dawladda Alberta waxay ku sii kordhineysaa barnaamijyo cusub oo la xariirka bulshada ah waxayna si gaar u taageereysaa bulshooyinka leh heerar aad u sarreeya oo ah kala qaadista iyo gudbinta KOOFID-19.

Caafimaadka Alberta waxay aqoonsatay 11 bulsho oo Edmonton iyo Kaalgari (Calgary) ah.

Laga bilaabo Deseembar 15, tiro barnaamijyo cusub ah iyo taageerooyin ay heli doona dadka degan xaafadahaas. Waxaa ka mid ah:


· Hoteelo la isku go’doomiyo iyo kaalmo lacageed

o dadka ku sugan aagaggan ee laga helay KOOFID-19 waxay xaq u yeelan doonaan qolalka hoteelka oo lacag la’aan ah ee mudo 14 maalmood, oo lagu siinayo cuntooyin waafaqsan dhaqan kooda.

o dadkan sidoo kale waxay xaq u yeelan doonaan gargaar lacageed ku meelgaar ah oo gaaraya $ 625 markay dhammeeyaan go’doonkooda.


· Kooxaha Daryeelka KOOFIDka

o Kooxahan la xariirka ay hogaamineyso bulshada ayna dhaxjoogaan waxay ku bixin doonaan taageero iyo waxqabadyo lagu xadidayo faafida fayraska.

o xirmooyin daryeel oo waji xir ah, nadiifiye, iyo xog ku qoran luuqado badan ayaa lagu bixin doonaa goobahaan.

o Gaadiid amaan leh oo aadaya goobaha lagu baaro KOOFID-19 iyo fududeynta baaritaanka oo la heli doonaa.

o La xariirka waxaa hogaamin doona oo taageeri doona hogaamiyaasha bulshada iyo ururada diinta iyo dejinta deegaanka. Sidoo kale turjumaanada waxay ku siin doonaan taageero haddii loo baahdo.


· Ololaha wacyigelinta bulshada

o Dowlada Alberta waxay sameysay olole wacyigalin ah si ay si toos ah ugula xiriiraan xogtamuhiimka ah ee caafimaadka bulshada Albertans kuwaas oo laga yaabo inay leeyihiin caqabado luuqada Ingriisiga ah iyadoo loo marayo ballaarinta helida agabka turjuman iyo taageerooyinka kale.

o Farriimaha waxaa lagu gaarsiin doonaa 10 luqadood iyadoo loo sii marinayo raadiyaha, telefishanka iyo xayeysiinta daabacan, iyo sidoo kale marinnada kala duwan ee warbaahinta bulshada iyo barxadaha Khadka tooska ah ee internetka.


“Aafadan waxay saameyn weyn ku yeelatay gobolka oo dhan, iyadoo taabatay dhamaan bulshooyinkeenii iyo qeybaha kala duwan ee dhaqaalaheena laakiin dadka qaar, si weyn ayay u saameysay. Dowlada Alberta waxay bixin doontaa caawinaad dheeri ah si loo ilaaliyo qoysaska bulshada la tacaalaya faafida heerarka sare. Waxaan u baahannahay inaan la kulanno dadka halka ay joogaan oo aan ka caawinno inay amnigooda sugaan.”

Jason Kenney, Gudoomiyaga


“Waxaan dooneynaa inaan qaadno qaab taageero iyo wada shaqeyn leh oo lagu caawinayo bulshooyinka dareemaya saameynta ugu badan. Dadaallada naxariista leh waxaan ku gaari doonnaa inaan ka talaabno caqabadaha oo deriskeena siino macluumaadka iyo taageerada ay u baahan yihiin si ay qoysaskooda u nabad galaan.”

Tracy Allard, Wasiirka Wasaaradda Dowladaha Hoose


“dadka asal ahaan kala duwan ee reer Alberta waxaa saameyn ku yeeshay cudurka faafa. Dowladda Alberta waxay aqoonsan tahay in fikradaha geesinimada leh loo baahan yahay si loo ilaaliyo amniga reer Alberta dhamaan. Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo hoggaamiyeyaasha bulshada ee ka caawiyey dawladda Alberta inay horumariso istiraatiijiyad daryeel iyo naxariis leh oo wax ka qabata baahiyaha bulshooyinkooda. Waan ka gudbi doonnaa caqabadda cudurkan faafa, waana wada qaban doonnaa.”

Kaycee Madu, Wasiirka Caddaaladda iyo Xeer Ilaliyaha Guud


“Waxaan si iskaashi leh ula la shaqeyneynaa hoggaamiyeyaasha ururada dhaqanka iyo bulshada si loo siiyo macluumaad iyo taakuleyn kuwa u baahan. Ururradan ayaa sida ugu fiican u fahmay baahiyaha bulshada waana uga mahadcelineynaa dadaalkooda iyo sida ay uga go'an tahay inay gacan ka geystaan ​​bixinta adeegyadan.”

Rajan Sawhney, Wasiirka Adeegyada Bulshada


“Ka shaqeynta iskaashiga ayaa isku keenaya bulshada waxayna ka dhigeysaa dadaalkeena mid sii xoogeysta. In badan oo naga mid ah ayaa ku soo kornay maqalka Fasudef Kutumbakam (Vasudev kutumbakam)oo ah halqabsi adduunku waa hal qoys oo weyn. Waad ku mahadsan tihiin Gudoomiye Kenney iyo dowladiisa sida ay noo kulmiyeen dhamaanteen sida hal qoys oo weyn, dadaalkan isku dhafan. Waxaan ku kalsoonahay in wadaagida ilaha, hababka ugu fiican iyo ka faa’ideysiga taakuleynta iyo khibrada oo aan abuuri doono wacyigalin iyo inaan si wadajir ah bulshada ugu soo wada baxno.

Rekha Gadhia, BAPS Swaminarayan Mandir-Kaalgari


“Urur ahaan waxaan diirada saareynaa taakuleynta dadka soogalootiga ah iyo kuwa cusub, waxaan si toos ah u ogaaneynaa saameynta xun ee KOOFID-19 ku yeelan karo bulshooyinka horeyba u wajahay caqabado badan. Ogeysiiskani waa tallaabada ugu horreysa ee loo adeegsanayo loona kordhinayo xogta jirta iyo tan cusub. Waxaan ku bogaadineynaa dowladda abuuritaanka barnaamijyada noocan oo kale ah ee la bartilmaameedsaday ee lagu saleeyay cadeymaha si ay uga taageeraan jaaliyadahaan wax ka qabashada iyo xaddidaadda faafitaanka KOOFID-19.”

Shariif Xaaji, Xoghayaha Guud, Xarunta Afrika


Dawladda Alberta waxay ka jawaabaysaa wax ka qabashada faafida KOOFID-19 iyada oo ilaalinaysa nolosha iyo habnololeedka oo ay tilaabooyin sax ah loo loomarayo, joogtaynta ganacsiyada yaryar iyo ilaalinta nidaamka daryeelka caafimaadka ee Alberta.


Gundhig

11 ka bulshadood ee la soo dersay heerarka ugu badan ee faafitaanka ayaa wajahaya caqabado aad ugu badan bulshadooda, oo ay ka mid yihiin:

· Ka shaqaalaynta goobaha dadweynaha oo wajaha halis sare, tusaale. Safafka hore ee daryeelka caafimaadka, dayactirka, iyo gaadiidka.

· Guryaha ay dadku ku badan yihiin ee oo loo diyaariyey dadka ama qoysaska uu dakhligooda yaryahay ku nool yihiin ama guryaha badan oo ay mudo dheer dhisnaayeen.

· Dadka soo galootiga ah ee ku cusub Alberta oo laga yaabo inaysan haysan caawimaad.

· Saamiga sare ee dadka caqabadaha ka heysata luqadda Ingiriisiga.

0 comments

Recent Posts

See All

Hate-motivated assaults: Joint statement

December 16, 2020 Media inquiries Minister of Culture, Multiculturalism and Status of Women Leela Sharon Aheer, Minister of Justice and Solicitor General Kaycee Madu, Minister of Community and Social

Alberta News Summary

Asymptomatic testing paused Asymptomatic COVID-19 testing is paused to help reduce testing wait times, speed up results and limit the spread. Existing appointments will be honoured unti

Somali Canadian
 Society of Calgary

Email: info@scscalgary.ca

Phone: 403-265-7304

 

Office Address: 

3940 29th ST NE                              Calgary, AB

Mailing Address:

P.O. Box 57082                               Calgary T1Y 6R4

              

Supported by the Alberta Provincial Government

and the Canadian Federal Government

© 2020 by SCSC |  Terms of Use  |   Privacy Policy